Wednesday, January 13, 2021

Waziirkii hore ee arimaha dibada etoopiya oo la diley


 

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin ‘oo maanta la dilaley 

 

Mekelle (ishaNews ) – Ciidamada Ethiopia ayaa goor dhow shaaca ka qaaday in Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda dalkaas Seyoum Mesfin lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga dalkaas.

General Tesfaye Ayalew, oo ah madaxa qeybta daad-gureynta ciidamada Ethiopia ayaa sheegay in Mesfin lala dilay madaxii hore ee abaabulka baarlamanka Ethiopia Asmelash Woldeselassie, iyo wasiirkii hore ee arrimaha federaalka Abay Tsehaye.

Ayalew ayaa sidoo kale sheegay in shan sarkaal oo kale oo rayid ah iyo saraakiil ciidan lagu qabtay howlgal ay ciidamada militariga fuliyeen, sida ay kasoo xigatay wakaaladda wararka Ethiopia.

Mesfin ayaa ahaa wasiirka arrimaha dibedda intii lagu guda jiray howlgalii ay ciidamada Ethiopia kusoo galeen Soomaaliya 2006, xilligaasi oo ay kula dagaalameen maxkamadaha Islaamiga ah iyo shacabkii muqaawamada. Waxaa uu xilkan hayey 1991-kii illaa 2010-kii

Waxa uu mid ka mid ah xubnaha ugu dhow ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Meles Zenawi, ayada oo lagu sheegi jiray inuu ahaa maskaxda hagta. Labadaba waxay kasoo jeedeen qowmiyadda Tigray-ga.

No comments:

Post a Comment

Af doobka iyo dilalka lago haayo shacabka soomaaliyeed ee kenya

  Tirada gabdhaha Soomaalida ee lagu la’yahay magaalada Nairobi oo korortay (Warbixin) Nairobi (ishaNews ) –  Xildhibaan Aadan Barre Ducaale...